Suufinimadu ama timo waynimadu waa hawlgal iyo habdhaqan qofku u sameeyo si uu uga dhabeeyo, dhammaystirnaan akhlaaqeed, garashada xaqiiqada iyo badhaadhe ruuxi ah. Suufinimada inta badan diimaha badankoodu waa ay leeyihiin, waxa ayse ku kala geddisan yihiin meesha laga dhinbiil qaadanayo iyo hannaanka suufinimada loo marayo. Tasawufka Islaamiga ahina waa hannaan ku dhisan fahanka diinta. Markii diintu faaftay ee la dhex galay dadyow dhaqanno kala duwan, dadkuna ku loollameen kala badsiga adduunyada iyo dhex muquurashadeeda, ayaa ay soo baxeen falcelino arrinta la iskaga moosayo oo ay bilaabeen dad u go’ay cibaado iyo Alla bari, nolosha adduun dhaldhalaalkeedana aad isaga xakameeyey, loona bixiyey Cubbaad iyo Suhaad.Rag iyo dumar badan oo cibaado iyo khalaawayn ku caan baxay ayaa jiray oo ay ka mid ahaayeen Maalik ibnu Diinaar, Ibraahim ibnu Ad’ham, Raabicah al Cadawiyah, Shaqiiq al Balakhi, ikk. Kooxdaas Cibaado badnaanta iyo u dhowaanshaha Alle ku caan baxday ayaa buddhig u ahayd suufinimada aadka u faaftay qarniyadii ka danbeeyey, walow aanay raggaasi samayn fikir iyo fahan diineed oo ay kaga gaar noqonayeen Muslimiinta kale.
Ibnu Khalduun oo bilowga suufinimada faahfaahinayaa waxa uu yidhi: “Aqoontani waxa ay ka mid tahay culuumta sharciga ah ee diinta ku soo derriday. Waxaa asal u ah cibaadada oo la qabtimo iyo Alle oo loo go’o oo arrimo caadi ah ka dhex ahaa Salafka {Saxaabada iyo Taabiciinta}, ujeedkiisuna waa cibaado aan xad lahayn, nolosha adduunka oo laga wejidadbo, iyo in laga saahido, raaxaysiga iyo waxa dadka badankiisu ku fooganyihiin, gooni la noqdo, cidlana lagu cibaadaysto, arrintaasi wax caadi ah ayaa ay iska ahayd xilligii saxaabada, markiise adduun raadisku batay boqolguuradii labaad ee tirsiga Hijrada, ayaa dadkii cibaadada u go’ay loo bixiyey Suufiyo.